Qalbi Story

Qalbi Story waa goob aad ka helayso | akhris iyo qoraal | awood iyo jacayl | dhiirigelin iyo farxad | Maad iyo Maahmaahyo | Murti iyo Qosol | Naxariis iyo Walaaltinimo

Menu
  • Home
  • Qisadii Baska
  • Jacayl
    • Jacayl iyo farxad
    • Jacayl iyo Nolol
    • Jacayl iyo Guul
    • Jacayl iyo Wakhti
    • Jacayl iyo Murugo
  • Kalsooni
    • Kalsoonida Nafta
    • Kalsoonida Caqiiqada
    • Kalsoonida Wadanka
    • Kalsoonida Shaqada
    • Kalsoonida Lamaanaha
  • Guur
    • Qurux
    • Maal
    • Diin
    • Nasab
    • Xulasho
  • Isaga
  • Iyada
  • Heeso Qoraala h
  • Nasiibkaaga tijaabi
Diin Kalsoonida Caqiiqada Qurux Miisaanka Nolosha | Gabay

Miisaanka Nolosha | Gabay

Gabay: (Miisaanka Nolosha) Gabaygan waxa sameeyey anigoo ah Maxamuud Cabdilahi Rooble… Salaadii Subax ayaa taagnayd Masaajidka hortiisa ayaan kula kulmay Nin aan is waji garanayney.Salaan ka dib ayaan ku idhi Salaadii ayaa la galayaa… isagoo mashquul ah ayuu igu yidhi ” Meel ayaan ku cararayee gaadhiga ayaan ku dhex tukan doonaa”!!
“Haye Salaama Calaykum” ayaan idhi. Inyar markaan kala tagnay ayaan eegay geed weyn oo Masaajidka ku horyaalay oo raxan shimniro ahi ka dul heesayaan Eebahooodna u mahad celinayaan. Waxaan is weydiiyey sababta shimbiruhu u heesayaan -waxaanan ogaaday inay ku faraxsan yihiin waaga soo gudoodan iyo maalinta cusub ee Ilaahay ku siyaadiyey noloshooda.

Markaan Salaadii ka baxay ayaan dib ugu soo noqday geedkii shimbiruhu ka dul mashxaradayeen. Wali sidii ayey u heesayaan markaa waxaan is garab dhigay ninkii ordayey ee mashquulka noloshiisu ahayd ee xataa salaadii haleeli waayey iyo shimbiraha ilaa wakhtigii aan quud raadsan ee Ilaahooda u mashxaradaya una mahad celinaya …

Wuxuu yidhi:

Inkastuu rag wada miigani, miimka ka hingaadsho
Hadaanu gabaygu miisaan lahayn, malaha iidaane
Is maqiiq midhkii kula galay, maqalku diidaane
Madmadow markay dhaafto ee,marinku soo gaabto
Munkar iyo hadii laga baqo, meehaliyo dheesha
Muran iyo is-moodsiina aan,lagu mashquulaynin
Milgaheeda suugaan galbeed, baw macaan badane
Hadala waa murti amase waa,Midaan haboonayne
Mansabkiisu waa mudan yahay,oo meel saraan dhigaye
Markuu mayeyga dayreed curto,uu ciida wada maydho
Manka soo carfaayiyo miskiga,moodka wada yaala
Xareed Miisan meeshaad daydo,oo moos kasoo jabayo
Hadii Geed madheedhkii ka baxay, midigtu laacayso
Nin walbaa macaankiisa saw muudso odhan maayo ?

*******************************************

Ceelkaan malkada loogu dhicin, maaxan waa abide
Maslaxaad ayaan uga socdaa ,waa macduun kaniye
Aniguna hamsada maalintaan ,gabay la maagaayo
Miyi iyo magaalaba dadkii, waw mulaaxsamaye
Mufti iyo sidii culimo saw, loo martiyi maayo?
Muxubana halkaad gaadho waad, mahadin doontaaye
Bal miliilic oo dhuux murtida, doqoni waa mooge
Mohashada aduun ee dadkii, meelkastaba geysay
Iyo mawd sugaayaa ilayn, waaba kala maane

********************************************

Macno maleh aduunyadu naftaa, lagu mashquulaaye
Mujuq iyo adoo qaawanoo, mudh iyo diirkaasa
Mawlaha kusoo magan gashee, magacna kuu yeelay
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey?

Miisaanka noloshaa jirtuu, kuu maldahayaaye
Inta muruq jidhkaagiyo lafaha, midiba meel hayso
Moxigiyo mijaha hoose iyo,muuqa idilkiisa
Mixnad weeye maankiyo caqliga, kaa maroorsame e
Adoon madax adaygayn hadaad, magan allee dhawrto
Mar’uun saw qalbigu Eebahaa,uma muraaqoodo ?

Miridhkii aad joogtaba xubnaha, haga masayrkaaga
Moqorada intey nool yihiin, sida matoor xiima
Maashaa Allee xididadaa, dhiigu mulacyeeyo
mulkigaaga oo idil dadyahow, muhindiskii yeeshay
Mahad iyo salaad qudha muxuu kaaga heli waayey ?

Si’aan mirif xanuun kuu helaa, marino kaa raacin
Ama dhiiga meermeerayaa,meel xun ugu daadan
Maqaarkaaga sare oogaduu, kugu manaystaaye
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey ?

Inta maal aduunyiyo hadii, dahab lasoo miiso
Miyirkaaga oo qudha ayaan, lagu mataaleyne
Mucjisada jidhkaagoo idili, waa mihniyo yaabe
Mawlaha intaa wada khalqee, waliba maareeyi
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey ?

Malaa’iigta Eebiyo nafluhu, waw musbaaxsadaye
Mid yar iyo mid weyn mawlahay, mayna caasiyine
Aadmigaa midii laga rabay, moran ka joogaaye
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey?

Muunida salaadiyo ilaa, miiqa dhigo waagu
Shimbiruhu macbuudkood mashxarad, wey u mariyaane
Mana oga halkay manfac iyo,midho u doontaane
Nafta lama masuugee adoon, maalin qudha waayin
Mar’uun saw qalbigu Eebahaa, uma muraaqoodo?

Milada iyo diinta hadaad, Maad ka dhiganaysid
Ma ogtahay fircoonbaa hortaa, eeday magacaase
Isaguba intuu Muuse waday,wuu ka maagsadaye
Manhajkii Ilaah soo direy buu, iska maanacaye.
********************************************
Hadaad adiyo kala maaranteen, malaga soo jeedi
Mushmushaaxso noloshaa yar iyo, marin habowgeeda
Maruun saw qalbigu Eebahaa, uma muraaqoodo?

Aduun wa marad jeceshay ood, muudso leedahaye
Iyo maray macaan iyo qadhaadh, midina roonayne !!
Maqribkii salaad loo kacoo, mu’adin eedaamay
Waa maraad macaash raadisood, malo awaashaaye
Ka mabsuudi mayside ilayn, waa mur iyo leefe
Marna maro yarbaa lagu ridaa, maydka aad tahaye !!
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waaye ?

Muslinimada aan haysaniyo, diintu waa magane
Shanta milay nin weysada gabaa, malaha iimaane
Kol haduu mugaaguba yahay, noloshan meeraysa
Inaad muumino sheegataa, wayska meel madhane
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey
Masalada dadkani moogyahaan, kuu dul marayaaaye
Hadaan Milic ilays diiran lihi, madax salaaxaynin
Dhirtu maba magoosheen midhana,lagama goosteene
Markuu waagu soo muuqdo ee uu, midab guduud yeesho
Meegaaris goortuu wakhtigu, kala maleegmaayo
Mugdigii habeenimo ayuu, kaa malmalayaaye
Midigtiisa saw Eebahay, laguma maashoodo
MAHAD IYO SALAAD QUDHA MUXUU KAAGA HELI WAAYEY?

Maxamuud Cabdilahi Rooble
email: roobleamin@gmail.com
Seattle USA


Admin
Add Comment
Diin, Kalsoonida Caqiiqada, Qurux
Friday, October 23, 2015
  • Tweet
  • Share
  • Share
  • Share
  • Share

About Nuradiiny Tahir

Asc Ku soo dhawoow Qalbi Story Waa Nuradiin Tahir Hassan | waxaan dareemayaa inaad jeceshahay inaad yeelato website ama blog kuu gaar ah wixii aad rabtana ku soo bandhigto markasta, Waxaan kuu sameyn karaa website noocan ah ama ka wanaagsan oo qurux badan oo qiimo jaban ah waligaana kuu shaqayn doona | halkan igala soo xidhiidh +12139211250 waa Whatsapp Number

Related Posts

Total Tayangan Laman

  • …

  • …

Weekly Posts

  • Naxariis | Himilo | Duco iyo Jacayl
    Naxariis | Himilo | Duco iyo Jacayl
    Jaceylka waxaa uu la micno yahey geed la beerey oo u baahan xanaaneyn iyo ilaalin joogta sida waraabinta iyo kool koolinta iyo wax yaabo bad...
  • ii soo dhawoow | Cabdifataax Yare & Hodan | Hees Qoraal ah
    ii soo dhawoow | Cabdifataax Yare & Hodan | Hees Qoraal ah
    Heestan waxaa ku luuqeeyaa fanaanka Cabdifataax tacabir iyo fanaanada hodan cabdiraxmaan . Qaybta 1aad Dhankaad iga jirtaabaa ...
  • Deeqsinimada iyo Cafiska Baro
    Deeqsinimada iyo Cafiska Baro
  • Ubax dhalaal badan | Abwaan Fiyoore
    Ubax dhalaal badan | Abwaan Fiyoore
    ** Ubax Dhalaaaal  Badan ** Dhugashada Ku Wacan ** Qurux Loo Dhameeyoo ** Dhaayaha U Roooooon ** Dhulkii Lagu Beeraaaaa ** Dhamaan A...
  • Dookh iyo Dareen | Tubeec AHU | Hees Qoraal ah
    Dookh iyo Dareen | Tubeec AHU | Hees Qoraal ah
    Adigaan dareenkiyo Kugu raacay dookhee Dumarkaba dhammaantood Kaa daawadaaye Daymada u rooneey Dunta taan ku xidhayee Idiidayoo n...
  • Erayo Jacayl ah | Qaybtii 4aad
    Erayo Jacayl ah | Qaybtii 4aad
    Ma ogtahay macaan halkii mar ee aad shumiso dhabankeyga in qalbigeyga ka masaxmaan dhamaan wixii xumaan ah, halkaasina aan kusii qaad dareen...
  • Laba Jacayl Dhexyaal | Hees Qoraal ah | Khadra Daahir
    Laba Jacayl Dhexyaal | Hees Qoraal ah | Khadra Daahir
    Hadii dhagta ruux la jaro Daloolku wuu joogaayaa Jaleelada geed u yaal Midhahaa lafa jalamsadaa Jir iyo hada jooga uba Aadmigu way is jiidha...
  • Wixii qiso dhacay jacayla | Hees qoraal ah | Yurub geenyo
    Wixii qiso dhacay jacayla | Hees qoraal ah | Yurub geenyo
    Qaybta 1aad Markaad tahay ruux qudhayda Waxay qoonsataba ka dhawra Waxaan ahay qalooca Qabyada noloshaada diida Markaad tahay ruux...
  • Miisaanka Nolosha | Gabay
    Miisaanka Nolosha | Gabay
    Gabay: (Miisaanka Nolosha) Gabaygan waxa sameeyey anigoo ah Maxamuud Cabdilahi Rooble… Salaadii Subax ayaa taagnayd Masaajidka hortiisa ay...
  • Kaaba | Hees qoraal ah | Bk
    Kaaba | Hees qoraal ah | Bk
    Qaybta 1aad Kaskiyo kaa saaray maanka Kalgacalna hanku kuuma qabo Kaydkii kuma lihid qalbiga Kaligay caashaqaan qabiyo Kurbadii...

Label

  • Diin
  • Erayo-Jacayla
  • Farxad
  • Heeso Qoraal ah
  • Isaga
  • Ixtiraam
  • Iyada
  • Jacayl
  • Jacayl iyo Guul
  • Jacayl iyo Murugo
  • Jacayl iyo Nolol
  • Jacayl iyo Wakhti
  • Jacaylka iyo Farxad
  • Kalsoonida Caqiiqada
  • Kalsoonida Lamaanaha
  • Kalsoonida Nafta
  • Kalsoonida Shaqada
  • Kalsoonida Wadanka
  • Maal
  • Nasab
  • Naxariis
  • Nolol
  • Qurux
  • Xulasho

Contact

Name

Email *

Message *

Social Share

ADVERTISEMENT

Subscribe Box

Copyright © 2014 Qalbi Story All Right Reserved
Created by Arlina Design | Published By Gudoomiyaha Qalbi Somali