Qalbi Story

Qalbi Story waa goob aad ka helayso | akhris iyo qoraal | awood iyo jacayl | dhiirigelin iyo farxad | Maad iyo Maahmaahyo | Murti iyo Qosol | Naxariis iyo Walaaltinimo

Menu
  • Home
  • Qisadii Baska
  • Jacayl
    • Jacayl iyo farxad
    • Jacayl iyo Nolol
    • Jacayl iyo Guul
    • Jacayl iyo Wakhti
    • Jacayl iyo Murugo
  • Kalsooni
    • Kalsoonida Nafta
    • Kalsoonida Caqiiqada
    • Kalsoonida Wadanka
    • Kalsoonida Shaqada
    • Kalsoonida Lamaanaha
  • Guur
    • Qurux
    • Maal
    • Diin
    • Nasab
    • Xulasho
  • Isaga
  • Iyada
  • Heeso Qoraala h
  • Nasiibkaaga tijaabi
Diin DR LOURENCE BROWN | Qisadii uu ku muslimay

DR LOURENCE BROWN | Qisadii uu ku muslimay

19 sano ka hor Waxaa ii dhalatay GABADHII aan ugu jeclaa adduunka Oo aheyd curudkeygii labaad magaceedu Waa HANNA, muddo 9 bilood ah markii ay hooyadu aad Iyo aad Ugu dhibtootay Aakhirkii HANNA wey dhalatay laakiin NASIIB DARRO qalbigeyga gilgishay Oo uu la ooyay uurkeyga Iyo indheheyga!.

Hanna waxaa kusoo booday cudur aad Iyo aad halis u ah iyadoo wali CARDUN ah ( meesha uu EEBE wax ka wado bal fiiri ).

Cudurkaan Waxaa ay DHAKHAATIIRTU iigu sheegeen mid aan laga kicin islamarkaana GABADHA jirkeedu madoobaaday Wadneheeduna aad Iyo aad udaciifay OGSIJIINTUNA aysan awoodin in ay qaatado, wax RAJJO ah malahan habayaraattee.

Maadaama aniga qudheydu aan dhaqtar ahaa waxaan ogaaday in markan HANNA aysan rajo leheyn aad Iyo aad Ayaan ujeclaa ilmadii iga tifqeysay ayaa qoysay gabadheydii anigoo kor taagan!.

Hareeraha Ayaan eeg eegay waxaa qoladii ISBITAALKA igu wargeliyeen in aan labaxo Oo aan qabrigeeda diyaariyo maadaama Qeybaha jirkeeda Oo dhan uu maashoobay.
Waxaan Ku iri dhaqaatiirtii bal isuga 10 daqiiqo, waxaan si hal haleel ah uga baxay qolkii yaraa ee HANNA ay Ku il darneyd, waxaan ahaa waligey qof MULXID ah Oo aan wax habayaraatee Diin ah heysanin.

Waxaan aamin sanaa wax ALLAH (GOD) layiraahdo aysan jirin Oo kaliya KOWN-kaani Iyo waxa dulsaarani ay iska sameysmeen waxaana dhihi jiray ( Nature) Oo macneheedu yahay wax dabiici ah Oo iska sameysmay.

Intaa ka gadaal waxaan udhaqaaqay guri yar Oo dhisme ahaan ja jaban meeshana ka ag dhawaa , gurigaan cid agjoogta ma jirto Waa
CIDLO aan jabaq leheyn.

Waxaan bilaabay in aan bal raadiyo maantey Ugu daran tahaye ILAAHA la sheeg sheego in wax uu iiqaban karo waxaan lasoo booday hadalkaan anigoo gacmeheyga kor utaagaya " Ilaahayow haddii aad tahay mid jira ood I arkeyso ina maqleyso waxaan ahay
qof waadix ah Oo aan qarsooneyn Maanta ayay ii kala cadaaneysaa in aad jirto Iyo in kale".
Anigoo wajigeyga ilmadu ka de'eyso Ayaan waxaan uraaciyay hadalkaan kale " ILAAHAYOW haddii aad Maanta gabadheydu ii badbaadiso waxaan kugula balamayaa in diintaada aan raadin doono waligeyga aan Ku dhaqmi doono dadkana aan Ku faafin doono".

Wallaahi baan Ku dhaartee 15 daqiiqo kama soo wareegan waxaan si toos ah usoo abaaray ISBITAALKII qolkii yaraa ee gabadheyda HANNA ay Ku il-doof saneyd, waxey dhaayeheygu qabteen iyadoo DHAQAATIIRTII Ugu hareereysan tahay sida koox ciyaartoy ah marka ay balamayaan isu garab qabsadaan ooy isku hareereystaan!.

Waxaana idheheygu Ku arkay dhaqaatiirtuna isheegeen in Gabadha si lama filaan ah usoo noqday miyirkeedii iyadoon wax qaliin Iyo daweyn lagu sameynin waxaana ay ii raaciyeen in caafimaad keedu 100%  fiican yahay ALLAAHU AKBAR!.

Farxaddii aan farxay waxaa iga soo qubatay ILIN fara badan ..
Maalintaas kadib waxaan utafa xeytay in aan oofiyo balantii Iyo beycadii Aan la galay ALLAH SWT.

Waxaan baaritaan Ku sameyay diimaha Oo Idil sida CHRISTIAN, JUDAISM ( yahoodi), Budism Iyo kuwa kaloo Aad ubadan .
Wali ma ogi diintii saxsaneyd ee ALLAH iijiheyn leheyd.. Waxaan aad Ugu dadaalay CHRISTIANITY bal in aan ka dhex helo waxa aan baadi goobka Ugu jiro, kama helin ujeedkeygii.. Waxaan xoogga saaray ISLAAMKA waxaan ogaaday in Waxii niyadeydu Ku jiray Oo aan baadi goobayay Oo dhan ay Kulansatay, Waxaan GOWS danbeedka Ku qabsaday DIINTA ISLAAMKA. 

Waxaan kasoo guuray Mareykanka waxaan soo degay Sacuudiga gaar ahaan Medina!. Halkaas Oo aan ka anba qaaday BALANTII
EEBBE!. 

Nolosheyduna ay aad iyo isu badashay waxaana dareemay Deganaasho Qalbiyeed Xilli walibana waxan umahad celiyaa ALLAH SWT xanuunkii Iyo mucjisadii indheheyga leygu tusay ALHAMDULILAAH!.

Waa QISADII DR. LOURENCE BROWN Oo aan idinkaga soo turjumay PEACE TV waxaa laga yaabaa in aad hadda ka hor aragtay Ama aqrisatay FOR THE SAKE OF ALLAH usii gudbi oo SHARE sii dheh, si dadka MUSLIMIINTA AH ay Ugu fara adeygaan DIINTOODA
SALIIMKA.
Admin
Add Comment
Diin
Wednesday, October 21, 2015
  • Tweet
  • Share
  • Share
  • Share
  • Share

About Nuradiiny Tahir

Asc Ku soo dhawoow Qalbi Story Waa Nuradiin Tahir Hassan | waxaan dareemayaa inaad jeceshahay inaad yeelato website ama blog kuu gaar ah wixii aad rabtana ku soo bandhigto markasta, Waxaan kuu sameyn karaa website noocan ah ama ka wanaagsan oo qurux badan oo qiimo jaban ah waligaana kuu shaqayn doona | halkan igala soo xidhiidh +12139211250 waa Whatsapp Number

Related Posts

Total Tayangan Laman

  • …

  • …

Weekly Posts

  • Naxariis | Himilo | Duco iyo Jacayl
    Naxariis | Himilo | Duco iyo Jacayl
    Jaceylka waxaa uu la micno yahey geed la beerey oo u baahan xanaaneyn iyo ilaalin joogta sida waraabinta iyo kool koolinta iyo wax yaabo bad...
  • ii soo dhawoow | Cabdifataax Yare & Hodan | Hees Qoraal ah
    ii soo dhawoow | Cabdifataax Yare & Hodan | Hees Qoraal ah
    Heestan waxaa ku luuqeeyaa fanaanka Cabdifataax tacabir iyo fanaanada hodan cabdiraxmaan . Qaybta 1aad Dhankaad iga jirtaabaa ...
  • Deeqsinimada iyo Cafiska Baro
    Deeqsinimada iyo Cafiska Baro
  • Ubax dhalaal badan | Abwaan Fiyoore
    Ubax dhalaal badan | Abwaan Fiyoore
    ** Ubax Dhalaaaal  Badan ** Dhugashada Ku Wacan ** Qurux Loo Dhameeyoo ** Dhaayaha U Roooooon ** Dhulkii Lagu Beeraaaaa ** Dhamaan A...
  • Dookh iyo Dareen | Tubeec AHU | Hees Qoraal ah
    Dookh iyo Dareen | Tubeec AHU | Hees Qoraal ah
    Adigaan dareenkiyo Kugu raacay dookhee Dumarkaba dhammaantood Kaa daawadaaye Daymada u rooneey Dunta taan ku xidhayee Idiidayoo n...
  • Erayo Jacayl ah | Qaybtii 4aad
    Erayo Jacayl ah | Qaybtii 4aad
    Ma ogtahay macaan halkii mar ee aad shumiso dhabankeyga in qalbigeyga ka masaxmaan dhamaan wixii xumaan ah, halkaasina aan kusii qaad dareen...
  • Laba Jacayl Dhexyaal | Hees Qoraal ah | Khadra Daahir
    Laba Jacayl Dhexyaal | Hees Qoraal ah | Khadra Daahir
    Hadii dhagta ruux la jaro Daloolku wuu joogaayaa Jaleelada geed u yaal Midhahaa lafa jalamsadaa Jir iyo hada jooga uba Aadmigu way is jiidha...
  • Wixii qiso dhacay jacayla | Hees qoraal ah | Yurub geenyo
    Wixii qiso dhacay jacayla | Hees qoraal ah | Yurub geenyo
    Qaybta 1aad Markaad tahay ruux qudhayda Waxay qoonsataba ka dhawra Waxaan ahay qalooca Qabyada noloshaada diida Markaad tahay ruux...
  • Miisaanka Nolosha | Gabay
    Miisaanka Nolosha | Gabay
    Gabay: (Miisaanka Nolosha) Gabaygan waxa sameeyey anigoo ah Maxamuud Cabdilahi Rooble… Salaadii Subax ayaa taagnayd Masaajidka hortiisa ay...
  • Kaaba | Hees qoraal ah | Bk
    Kaaba | Hees qoraal ah | Bk
    Qaybta 1aad Kaskiyo kaa saaray maanka Kalgacalna hanku kuuma qabo Kaydkii kuma lihid qalbiga Kaligay caashaqaan qabiyo Kurbadii...

Label

  • Diin
  • Erayo-Jacayla
  • Farxad
  • Heeso Qoraal ah
  • Isaga
  • Ixtiraam
  • Iyada
  • Jacayl
  • Jacayl iyo Guul
  • Jacayl iyo Murugo
  • Jacayl iyo Nolol
  • Jacayl iyo Wakhti
  • Jacaylka iyo Farxad
  • Kalsoonida Caqiiqada
  • Kalsoonida Lamaanaha
  • Kalsoonida Nafta
  • Kalsoonida Shaqada
  • Kalsoonida Wadanka
  • Maal
  • Nasab
  • Naxariis
  • Nolol
  • Qurux
  • Xulasho

Contact

Name

Email *

Message *

Social Share

ADVERTISEMENT

Subscribe Box

Copyright © 2014 Qalbi Story All Right Reserved
Created by Arlina Design | Published By Gudoomiyaha Qalbi Somali