Waxkasta waxa ay leeyihiin siyaabo ay u dhamaadaan , shumaca waa uu dhalaalaa , dabku waa uu dhintaa , geedku waa uu qalalaa laakiin jaceylka aan kuu qabo macaantaydaay waa mid ka olal siinaya dhiigayga uu wadnaha kushaqeeyo had iyo jeer iyo ilbiriqsi kasta waan ku howlgalaa jaceylkaaga.
Markaan ku jeclaaday ayaan nafteyda weydiiyay waa kuma cidaan aad jeclaatay waxeyse iigu jawaabtay waa ileys aan dameyn, waa wadne ooyaya marka wadnahaagu ooyo misana farxaya markaad faraxdo.
Waxa uu igu dhaliyaa kafikiritaankaaga , waxa aan jeclaystaa markasto in aanan kaa ag tagin ; dhibicda roobka ma garto in ay igu da’do marka aad ila socoto waxaa isiisaa jawi ay naftayda kunagaato.
Dhiigayga ayaad dhex meeraysataa waxa aad tahay nafti aan kushaqeeynayay ; oo waa aad I jiidatay macaanto.
Jaceylku waa nolol ay helaan bini’aadamka isaga la’aantiis ma la arki lahayn dad kuwaara dunidan qalbigu waa halka uu ruuxu ka bilaabo shaqeynta jirka oo la’aantiisa wuu dhacayaa ogaw macaanto waxa aad tahay wadnahayga .
Macaanto jaceylkeenu waa safar kubilaabmay mid soconayo weligiis ,dhamaadna aanayn lahayn.
jaceylkeenu waa mid aan go’in xabiibti qalbiga adigaa dagay jaceylka aan kuu qabo waa mid uu qof kale uusan u qaadin ruux kale , macaanto waxa aan kaa dareemaa xubinkasto oo igu taalo ; xilli kasto waxa aad ku taagan tahay maskaxdayda .
Wixii talo iyo tusaale ah ama hadaad hayso fikir aad ku soo kordhinayso #QalbiSomali | iigu soo dir whatsapp numberkayga | +12139211250