Qalbi Story

Qalbi Story waa goob aad ka helayso | akhris iyo qoraal | awood iyo jacayl | dhiirigelin iyo farxad | Maad iyo Maahmaahyo | Murti iyo Qosol | Naxariis iyo Walaaltinimo

Menu
  • Home
  • Qisadii Baska
  • Jacayl
    • Jacayl iyo farxad
    • Jacayl iyo Nolol
    • Jacayl iyo Guul
    • Jacayl iyo Wakhti
    • Jacayl iyo Murugo
  • Kalsooni
    • Kalsoonida Nafta
    • Kalsoonida Caqiiqada
    • Kalsoonida Wadanka
    • Kalsoonida Shaqada
    • Kalsoonida Lamaanaha
  • Guur
    • Qurux
    • Maal
    • Diin
    • Nasab
    • Xulasho
  • Isaga
  • Iyada
  • Heeso Qoraala h
  • Nasiibkaaga tijaabi
Isaga Iyada Kalsoonida Lamaanaha Guurso qof aad jeceshahay

Guurso qof aad jeceshahay

Guurso o qofka aad jeceshahay,
Jacaylku waa dareen madax banaan oo aanan waxbo ku tiirsanayn, caashaqu waa shuruud la’aan kuma xirna inta ay la’egtahay hantida uu qofku heysto, nasabkiisa, bilicdiisa iyo jinsiyadiisa, waa sheey dabeeluhu wataan oo qalbiyada jiira.

Walloow nuxurkii laga qaaday oo maanta ay wax kasta dadka uga sahlantahay in qof lagu yiraahdo “waan ku jeclahay” iyadoo aanan la fahamsanayn micnihiisa dhabta ah, hadane waa dareen jira oo si guud loo wada aaminsanyahay, Cilmi Boodhari iyo Hodan ayaa tusaale wanaagsan u ah Jacaylka Soomaalida dhexdeeda.

Hadaba Qof Waliba waxa uu Jecel yahay in Noloshiisa uu Farxad Bash Bash iyo Nolol Macaan ku noolaado ,balse Noloshaasi Macaan yaa heli kara ayaa Isweydiin Mudan. 

Noloshaasi Macaan waxaa heli kara Qofka guursada Qofka uu Dunida ugu Jecel yahay iyana Jecel Wiil ama Gabar ciduu doono ha ahaadee ,qofkaas ayaaana k guuleesan kara in uu ka gudbo nolosha buuqa iyo Qilaafka badan ee hareeya inta badan lamaanaha aan
Jaceylka isku guursan Hadaba qofka aad jeceshahay in aad guursatid waa adigoo nolosha ka gaaray hadafkii aad ka lahayd, wuxuu qofku ku helayaa qaneeco iyo niyad wanaag inta noloshiisa ka dhiman sahay u noqota, ogoow sida aan ugu baahanahay in aan caloosha quudino ayuu qalbiguna u baahanyahay qaneeco iyo laga haqabtiro waxa uu u
baahanyahay, illaa inta aad ka qancineysid qalbigu waa oomane (haraadsane) una baahan in uu helo qofka uu aduunku ugu jecelyahay.

Ima aamineysid hadii aan kugu iraahdo jacaylka wuxuu ku gaarsiiyaa heer qofka aad jeceshay aad uga ba’do in aad sariirta la wadaagto marka aad is guursataan adigoo niyada iska leh waxyeelo ayaa ugu sugan, jacaylka waa loo waashaa, waa loo dhintaa, waa loo cuqdadoodaa waana loo xanuunsadaa, laakiin dad yar ayuu heerkaasi gaarsiiyaa jacaylka, in baddana iyagoo bukaan socod ah ayay noloshooda iska sii wataan haddii ay waayaan qofkii ay jeclaayeen In yar oo raga ka mid ah ayaa naf hur u sameeya jacaylka, taasina waa sir banaanka taala, dumarkuna waxay ballo ku dhigeen waxbo sheegan maayaan, Ogoow jacayl aanan lagula qabin mirro dhal ma ahan guurka ka dambeeya, laakiin marka aad guursatid qofka aad jeceshahay, iyaduna ku jecel waa halbeega dhadhanka macaan ee noloshu leedahay, ka fikir subixii waxaad guriga ka baxaysaa iyadoo illinka taagan oo kusoo eegeysa illaa aad ka miriq beesho, waxaad soo hoyanaysaa iyadoo illinka taagan oo ku bidhaamineysa kuna sugi
la’, raashiinkii ay karisey afka meeysan saarin oo adiga ayay kula sugeysaa, marka aad raashiinka cuneysid gacantaada kuuguma aamin qabto waxay rabtaa in ay teeda kugu siiso, waxay dadaal kasta u galaysaa in ay qayaasto waxa niyadaada ku jira ee aad
dooneyso ee aadan u sheegin si ay kuu farax galiso, marka aad hurdeyso mukulaasha xaafada joogta xitaa waa ogtahay kumana dhacdo in ay hurdada kaa toosiiso.

Dhuumaaleysiga guriga dhexdiisa, tartanka, orotankanka, kaftanka, kilikileynta, maada iyo qosolka, waxaan filayaa kuwiina caloosha jilicsan in ilmuhu soo dhaafeen, ilimee mise murogoow laakiin waxaan kuu sheegayaa in guur farxad la’aan ah uu yahay geed miro la’aan ah, haddii aadan guurkaaga farxad ku heysan waad abuuri kartaa farxada waana waxa ugu sahlan

Ma garanaysaa qof aduunka ugu bakhaylsan? waa kan gurigiisa farxada ka bakhayla marka uu banaanada marayana afka kala haya oo maantoo dhan qoslaya, farxadu sida macdanta dhulka ugu aasantahay oo ay ugu baahantahay in looga soo faago ayay ugu duugantahay quluubta bini’aadamka, gaar ahaan dumarka oo ragooda markasta u haya jacaylka dabiici ah .

Meeqa jeer ayaad shaqada kasoo dhuumatay oo aad xaafada usoo carartay si aad xaaskaaga waqti ula wadaagto, imisa jeer ayaad soo fasax qaadatay, imisa jeer ayaad guriga timid adiga oo gacanta dhabarka kuugu qarsantahay kadibna aad xaaskaaga kaga naxsatay ubax, faraanti mise sheey kale ood ogtahay in ay jeceshahay?, imisa jeer ayaad ku tiri “cuntadaadu aad beey u macaantahay”, imisa jeer ayaad ku tiri “aad baad u qurux badantahay”, mise ogtahay qiimaha ay waxyaalahaasi ugu fadhiyaan iyo wanaaga aad kaga kasban karto.

Haddii intaasi aan soo sheegey oo dhan aanan noloshaada lagahelin labbada dhinacba, kuma doodi kartid in aad guursatay qofkii aad jecleyd, dooda ku saabsan jacaylka ma guurka hortiisaa mise waa guurka ka dib waxaan filayaa aad ila waafaqsantihiin in jacaylka guurka ka hor uu yahay buug bogiisa kore oo kaliya la aqriyey, kan guurka kadibna uu yahay buugii oo aad guda gashay akhrintiisa.

Nolosha Macaanteeda waxaad galaysaa markaad guursato tii aad Dunida ugu jecleed rabina kuugu beero Kalgaceyl baarinomo qosol farxad adigana aad sidaas oo kale unoqoto ,Maskaxdada halmar udir hal Su'aal taas oo ah Gabadha aad jaceshahy markaad guursato iyo inanta adan garaneyn ee lagugu daro sida aad farxad ku dareemi karto ama halka aad xaal ka bilaabi laheed habeenka aqal galka kadibna dib u eeg jawaabta ay niyadada kusiiso labadaa qof mida nolosha kumac ? wa su'aal kuu kaligaa jawaabtana adiga isasa sii.

W/D: Gacal Xuseen Gacal Ayman Cade
Admin
Add Comment
Isaga, Iyada, Kalsoonida Lamaanaha
Wednesday, October 14, 2015
  • Tweet
  • Share
  • Share
  • Share
  • Share

About Nuradiiny Tahir

Asc Ku soo dhawoow Qalbi Story Waa Nuradiin Tahir Hassan | waxaan dareemayaa inaad jeceshahay inaad yeelato website ama blog kuu gaar ah wixii aad rabtana ku soo bandhigto markasta, Waxaan kuu sameyn karaa website noocan ah ama ka wanaagsan oo qurux badan oo qiimo jaban ah waligaana kuu shaqayn doona | halkan igala soo xidhiidh +12139211250 waa Whatsapp Number

Related Posts

Total Tayangan Laman

  • …

  • …

Weekly Posts

  • Naxariis | Himilo | Duco iyo Jacayl
    Naxariis | Himilo | Duco iyo Jacayl
    Jaceylka waxaa uu la micno yahey geed la beerey oo u baahan xanaaneyn iyo ilaalin joogta sida waraabinta iyo kool koolinta iyo wax yaabo bad...
  • ii soo dhawoow | Cabdifataax Yare & Hodan | Hees Qoraal ah
    ii soo dhawoow | Cabdifataax Yare & Hodan | Hees Qoraal ah
    Heestan waxaa ku luuqeeyaa fanaanka Cabdifataax tacabir iyo fanaanada hodan cabdiraxmaan . Qaybta 1aad Dhankaad iga jirtaabaa ...
  • Deeqsinimada iyo Cafiska Baro
    Deeqsinimada iyo Cafiska Baro
  • Ubax dhalaal badan | Abwaan Fiyoore
    Ubax dhalaal badan | Abwaan Fiyoore
    ** Ubax Dhalaaaal  Badan ** Dhugashada Ku Wacan ** Qurux Loo Dhameeyoo ** Dhaayaha U Roooooon ** Dhulkii Lagu Beeraaaaa ** Dhamaan A...
  • Dookh iyo Dareen | Tubeec AHU | Hees Qoraal ah
    Dookh iyo Dareen | Tubeec AHU | Hees Qoraal ah
    Adigaan dareenkiyo Kugu raacay dookhee Dumarkaba dhammaantood Kaa daawadaaye Daymada u rooneey Dunta taan ku xidhayee Idiidayoo n...
  • Erayo Jacayl ah | Qaybtii 4aad
    Erayo Jacayl ah | Qaybtii 4aad
    Ma ogtahay macaan halkii mar ee aad shumiso dhabankeyga in qalbigeyga ka masaxmaan dhamaan wixii xumaan ah, halkaasina aan kusii qaad dareen...
  • Laba Jacayl Dhexyaal | Hees Qoraal ah | Khadra Daahir
    Laba Jacayl Dhexyaal | Hees Qoraal ah | Khadra Daahir
    Hadii dhagta ruux la jaro Daloolku wuu joogaayaa Jaleelada geed u yaal Midhahaa lafa jalamsadaa Jir iyo hada jooga uba Aadmigu way is jiidha...
  • Wixii qiso dhacay jacayla | Hees qoraal ah | Yurub geenyo
    Wixii qiso dhacay jacayla | Hees qoraal ah | Yurub geenyo
    Qaybta 1aad Markaad tahay ruux qudhayda Waxay qoonsataba ka dhawra Waxaan ahay qalooca Qabyada noloshaada diida Markaad tahay ruux...
  • Miisaanka Nolosha | Gabay
    Miisaanka Nolosha | Gabay
    Gabay: (Miisaanka Nolosha) Gabaygan waxa sameeyey anigoo ah Maxamuud Cabdilahi Rooble… Salaadii Subax ayaa taagnayd Masaajidka hortiisa ay...
  • Kaaba | Hees qoraal ah | Bk
    Kaaba | Hees qoraal ah | Bk
    Qaybta 1aad Kaskiyo kaa saaray maanka Kalgacalna hanku kuuma qabo Kaydkii kuma lihid qalbiga Kaligay caashaqaan qabiyo Kurbadii...

Label

  • Diin
  • Erayo-Jacayla
  • Farxad
  • Heeso Qoraal ah
  • Isaga
  • Ixtiraam
  • Iyada
  • Jacayl
  • Jacayl iyo Guul
  • Jacayl iyo Murugo
  • Jacayl iyo Nolol
  • Jacayl iyo Wakhti
  • Jacaylka iyo Farxad
  • Kalsoonida Caqiiqada
  • Kalsoonida Lamaanaha
  • Kalsoonida Nafta
  • Kalsoonida Shaqada
  • Kalsoonida Wadanka
  • Maal
  • Nasab
  • Naxariis
  • Nolol
  • Qurux
  • Xulasho

Contact

Name

Email *

Message *

Social Share

ADVERTISEMENT

Subscribe Box

Copyright © 2014 Qalbi Story All Right Reserved
Created by Arlina Design | Published By Gudoomiyaha Qalbi Somali